Wasiirka Fiqi oo la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

Wednesday November 15, 2023 - 15:09:37
0 Comments
217
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed MacallinFiqi ayaa maanta la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth iyada oo ka wada hadlay nabad dhiska, gar-gaarka banii’aadnimo iyo dhibaatooyinka fatahaadaha keneen.

Amb. Sebastian Groth oo ahayd safiirka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa goobta ka hadashay ayadoo sheegtay sida dalkeeda ula shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya gaar,ahaan arrimaha hortabinta u leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowlada Jarmalka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah sida ay Soomaaliya uga taageeraan arrimaha la xiriira qaran dhiska.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment