Dadka Waxay U Qaybsamaan 6 Qaybood Midkee Kamid tahay?

Thursday November 16, 2023 - 05:23:36
0 Comments
208
Yoolka Nolosha: Dadka Waxay U Qaybsamaan 6 Qaybood Midkee Kamid tahay?
1. Qof aan lahayn wax Yool ah, ama Hadaf uu ku dadaalo sidii uu u gaadhi lahaa, oo haddaad weydiiso oo aad tidhaadid maxaad doonaysaa oo kuu qorshaysan ku jawaabaya garanmaayo laakiin mar haddii aan noolahay igu filan.
2. Qof garanaya wuxuu doonayo Yoolka ama Hadafka , laakiinse aan garanayn sidii uu ku gaadhi lahaa Yoolkaasi, helinna cid markaasi ku toosisa waddada saxda ah si uu u gaadho hadafka ama Yoolka uu doonayo, qofkani kii aan Yoolkaba lahayn waa uu ka liitaa.
3. Qof garanaya wuxuu doonayo, Yoolka ama Hadafka uu tiigsanayo, waddadii iyo qorshihiina garanaya , hasa yeeshee aan naftiisa ku kalsoonayn in uu guul soo hoyn karona aan aaminsanayn , kani waa ka murug badan yahay labadii hore.
4. Qof garanaya wuxuu doonayo, garanaya waddadii uu u mari lahaa , naftiisa ku kalsoon in uu gaadhi karo Yoolkaas ama Hadafkaas, laakiin waxaa raad ku yeesha hadalka dadka oo qof kasta oo rayi u soo jeediya isaga oo hawshii ku jira wuu maqlaa, mid ku odhanaya sidan ayaa wanaagsanaan lahayd in aad samayso, qof kale oo hadana bedela isaga oo aan qorshihii uu waday ka gun gaadhin, dadka badankiisuna noocan ayey u badan yihiin, qofka noocan ahi wuu ka sii liitaa sadexdii nooc ee hore.
5. Qof wuxuu doonayo garanaya, waddadii uu u mari lahaana ay u muuqato, naftiisana ku kalsoon in uu guul soo hoyn karo, dadkuna aanay raad ku yeelan oo ayna qorshihiisa waxba ka badeli karin, hasa yeeshee fikirka wanaagsan uun ka qaata, Laakiin qofkani guul kasta uu gaadho isaga ayaa dib u burburiya oo u halleeya, hadduu dhaqaale badan abuuro meel aan haboonayn ayuu ku baabi’iyaa, markuu guusha ugu horaysa gaadhana wuu is cajabiyaa, ka dibna waa uu fashilmaa.
6. Qof garanaya wuxuu doonayo, waddadii uu u mari lahaana u muuqato,naftiisana ku kalsoon iyo awoodda ilaahay siiyey guul in uu gaadhi karo aaminsan, dadkana warkooda wixii ka anfaca ka qaata, yoolkiisana laga leexin karin, guusha uu gaadhana aysan caqabad ku noqon ee markuu hadafkii ama Yoolkii uu doonayey gaadhaba mid kale u qalab qaata , ilaahayna talo saarta.
Qofkan ayaa ah kan guulaha gaadha, ku dayo-shadana mudan. Unoolow si fudud. Qeex yoolkaaga, Allena talo saaro. Ogow guul darrokasta oo kusoo food saarta guul ayaa ku xigta

By: Khadar Mahamud

Related Items


Leave a comment