Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ufariisatay dhegaysiga dacwad musuq ah

Thursday November 16, 2023 - 12:56:53
0 Comments
185
ahmed raajaa
MUQDISHO
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil Dowladdeed oo ku Eedaysan Musuq maasuq sida ay qortay wakaalada wararka soomaaliya.

Eedaysanayaasha ayaa ka kala ah Agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi kaas oo ku eedaysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey.

Sidoo kale Waxa Eedaysanayaasha ka mid ah Cabdulqaadir Cilmi Cali oo ah agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha isagoo ku Eedaysan ka qayb qaadasho dambi iyo gudasho la’aan waajib iyo masuuliyad Xafiis Dowladdeed, sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay lunsasho dakhli dowladdeed oo gaaraysa 5,327,355 oo dollar iyo Eeddaymo kale oo uu ku soo oogay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa Eedaysanayaasha Maxkamadda dacwadooda la hor keenay ka mid ah Cusmaan Xasan Cosoble,Cabdikaafi Xasan Maxamed iyo Agaasimihii Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda maaliyadda Eedaysane Muxiyadiin Xasan Jurus Saabeey oo ku Eedaysan lunsasho hanti maaliyadeed oo dhan 20 Malyan oo dollar.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment