Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Jubbaland.

Saturday November 18, 2023 - 17:15:52
0 Comments
134
ahmed raajaa
KISMAAYO
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta oo sabti ah magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ka jira deegaanada Jubbaland.

Warqad uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe ayuu ku magacaabay Guddiga gurmadka fatahaadaha, kuwaasi oo ka kooban 8-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Maamulka Suldaan Cabduqaadir Maxamuud

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameynta ballaaran ku yeesheen gurmadka fatahaadaha ka jira deegaanada Jubbaland gaar ahaan dadka kunool degmooyinka Gobolka Gedo oo xaalad adag wajahaya xilligaan.

Degmooyin iyo deegaanno katirsan maamulka Jubbaland waxaa ku fatahay wabiga jubba, waxaana fatahaada ka dhalatay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho, bur bur, barakaca iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Hoos ka Akhriso magacyada 



Related Items


Leave a comment