Xiisad Colaadeed iyo Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan Oo Maanta Laga Dareemaya Garoowe

Sunday November 19, 2023 - 12:26:11
0 Comments
101
ahmed raajaa
GAROOWE
Xiisad Coladeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa maanta laga dareemaya magaalada Garoowe, kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF.

Dhinaca kale Ciidamada taabacsan Mucaaridka ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.

Arrintaan ayaa saamayn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimadda puntland, waxaana laga bara-kacay xaafadaha qaarkood, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaal ka dhaco magaalada.

Isku soo duub-duub Xogo kala duwan oo ay heshay warbaahinta Meeraysane ayaa tilmaamaya in goobaha Waxbarashada ay xiran yihiin maanta.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment