Wafdi Uu Hogaaminaayo Madaxweynaha KGS Oo Gaaray Diinsoor Ee G/Baay.

Sunday November 19, 2023 - 14:51:09
0 Comments
134
ahmed raajaa
DIINSOOR
Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaree, wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey maanta magaalada Diin-soor ee Gobolk Bay.

Ujeedka  wafdiga Madaxweynaha KGS halkaasi u gaareen ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xerista shir dib u hishiisiin ah oo magaaladaas ka socday .

Sidoo kale sidii bulshada Diinsoor ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashada howlgalka dalka looga xoraynayo Ururka Alshabaab gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.



Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment