CIIDAMADA SIRDOONKA PUNTLAND OO FASHILIYAY QARAX MIINO BOOSAASO

Monday November 20, 2023 - 11:32:23
0 Comments
170
ahmed raajaa
BOSAASO
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland ee PISA ayaa fashilisay qaraxyo lagu diyaariyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hay’adda Sirdoonka Puntland oo la socotay dhaqdhaqaaqa argagixisada ayaa fashilisay qaraxyadan kadib markii ay macluumaad buuxa ka heshay halka lagu diyaariyay.

Saraakiil ka tirsan hay’adda PISA ayaa laga soo xigtay in qaraxyadan ay yihiin miinooyinka rimoodka laga hago ee lagu qarxiyo wicitaanka taleefonnada ku rakiban.

Sirdoonka Puntland ayaa sheegaya in ay mar kasta si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqa maleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.



Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment