Beesha Caalamka Oo Baaq Deg Deg Ah Kasoo Saartay Xiisadda Puntland

Tuesday November 21, 2023 - 14:23:15
0 Comments
238
ahmed raajaa
MUQDISHO
Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland, waxaana ay ku baaqeen in la dajiyo lana xakameeyo xaaladda.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri "Saaxiibada Soomaaliya  waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda”

Waxaana sidoo kale lagu sheegay War-saxaafadeedka in  Joogitaanka ciidamada magaalada gudaheeda ay cabsi gelinayso dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.

"Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Saaxiibada beesha caalamku waxaa ay ku baaqeen in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment