Ahmed Madoobe oo Booqday Deegaanada Uu Ku Fatahay Wabiga Juba ee Jubada hoose.

Tuesday November 21, 2023 - 17:37:45
0 Comments
198
ahmed raajaa
KISMAAYO
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanada uu ku fatahay wabiga Juba ee gobolka jubada hoose.

Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayeen madaxda hay’adaha gargaarka iyo howlwadeeno kala duwan oo Dowlada katirsan ayaa deegaanada uu booqday ku soo arkay dhibaatada ay la kulmayaan boqolaalka kun ee qoys ee ku nool meelaha fatahaadu ay saamaysay.

Boqolaal kun oo qof ayaa ku gurya beelay fatahaada iyadoo Magaalooyinka qaar ay burbureen buundooyinka iyo kaabayaasha kale.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guddiga gurmadka fatahaada ee taakulada hordhaca ah ka wado meelaha ay saamaynta badan ka jirto iyo shaqaalaha wasaarada caafimaadka oo adeegyo caafimaad u fidinaya dadkan oo kasoo barakacay Inta badan gobolka jubada dhexe.

Related Items


Leave a comment