Dibadbaxyo Nabadeed Oo Ka Socda Magaalada Garoowe Ee Xarunta Puntland

Saturday November 25, 2023 - 13:14:01
0 Comments
94
ahmed raajaa
GAROOWE
Muddaharaadkan ayaa ah mid nabadeed oo ku socda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada puntland, isagoo siweyn saaka uga socda magaalada Garoowe.

Dadka dibad baxayaasha ayaa ah qaar kamid ah Haweenka magaalada garoowe, kuwaas oo dalbanaya in si nabdoon lagu dhammeeyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan khilaafaadka doorashada Puntland ee sannadka 2024.

Haweenka ayaa ku baaqaya in aysan shacabka colaad u horseedin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah islamarkaana khilaafkooda ku aadan doorashada ku dhammeeyaan wada hadal si looga baaqsado dagaal iyo Colaad ka dhacda garoowe.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo isimada iyo Odayaasha dhaqanka SSC ay magaalada Garoowe ka wada xal nabadeed oo lagu xallinayo xiisadda ka taagan doorashada puntland, iyagoona shirar kala duwan la yeeshay dhinacyada dowladda iyo mucaaradka ah ee ku muransan nooca loo qabanaayo doorashada 2024.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment