29 qof oo Alshabaad go'doomisay oo dhintay

Saturday November 25, 2023 - 19:15:23
0 Comments
128
ahmed raajaa
UQDISHO
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo qabtay shir jiraa’id oo uu kaga waramayo xaaladdii ugu dambeysay ee saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabaka ka da’ay dalka ku sheegay in dadka ku geeriyooday ay illaa hadda marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii Al shabaab u diideen meel ay ka baxaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tilmaamay In ka badan labo milyan oo ruux (2,000,300), ayaa ay saameyn ku yeesheen roobabka daadadka wata ee ka da’ay dalka Soomaaliya.

Iyadoo dadka ku barakacay illaa sagaal boqol oo kun (9,000) oo ruux sida uu sheegay guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo ka warbixiyay gurmad ay hey’adda SODMA ay sameysay ayaa sheegay in illaa 11 kun oo ay gaarsiyeen cuno iyo agab kale oo ay u baahnaayeen, waxaana uu tilmaamay in ilaa hadda ay filayaan gurmad oo xooggan oo ay ku yabooheen dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

"Illaa hadda waxaa la gaarsiiyay 33 doomoon Gedo, Jubbada Hoose iyo Hirshabeelle oo u baahna dooman si loo badbaadiyo dadka ay fatahaadu saameysay” ayuu yiri guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kooxda cadowga ee khawaarijta ayaa sidoo kale caqabad ku ah in gurmad la gaarsiiyo dadka ka barakacay degmooyinka ay daadadku saameeyeen, waxaana dhibaatooyinkaas kamid ah in kooxda cadowga ah ay u diideen doon ay saarnaayeen dad shacab ah oo doonayey inay naftooda badbaadiyaan balse ugu dambeyn doontii ay la qalibantay sida uu sheegay

Related Items


Leave a comment