Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo diiradda lagu saaray fatahaadaha ka jira dalka

Monday November 27, 2023 - 22:40:57
0 Comments
230
ahmed raajaa
MUQDISHOW
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa ka-doodida  xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, roobabka ka da’ay gobolada dalka. Kooramka kullanka maanta oo ahaa 143 Mudane ayaa waxay xildhibaannada si weyn uga hadleen, degaan doorashadooda, iyagoona Golaha hortooda ka sheegay in hay’adaha ku shaqada leh arrimaha samafalka ku dadaalaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyey in muhiimada koowaad la siiyo badbaadinta shacabka isla-markaana lagaarsiiyo adeegyada asaasiga ee deg dega ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta arbacada la isku soo laabto si loo sii amba qaado soo jeedinta  xildhibaanada si  go’aan looga soo saaro.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment