Madaxweynaha puntland Oo Magacaabay Gudiga Wada Xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka

Tuesday November 28, 2023 - 13:44:02
0 Comments
103
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horraysay magacaabay guddi qaabilsan Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Puntland

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 7 xubnood oo dowladda ku matali doona Wada xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Puntland

Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynuhu guddigan magacaabay markii uu arkay "baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada  taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod”.

Magacyada guddiga ayaa kala ah:

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).
6.  Xassan  Yuusuf Majabe (Xubin).
7. Xassan Caballa Xassan  Xubin.

.Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment