R/Wasaaraha Oo Dib u Howlgelinta Laanta Bangiga Dhexe Ee Kismaayo

Tuesday November 28, 2023 - 14:02:35
0 Comments
183
ahmed raajaa
KISMAAYO

R/wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kala wareegay dowlad goboleedka Jubaland xaruntii uu ku lahaa degmada Kismaayo, si dayactir iyo dib-u-howlgelin loogu sameeyo, loona soo gaarsiiyo adeegyada uu bixiyo Bangiga Dhexe deegaannada Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku ammaanay bangiga dhexe ee Soomaaliya dib-u-howlgelinta xarumihii uu ku lahaa dalka, si adeegyada uu bangigu bixiyo loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada, taas oo muujineysa in hey’adaha dowladdu ay soo xoogeysanayaan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment