Xulka qaran Soomaaliya Ee 18-jirada Oo Guul Wayn Ka Gaaray Xulka Sudan

Tuesday November 28, 2023 - 17:42:58
0 Comments
210
ahmed raajaa
Muqdisho
Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18-jirada ayaa 3 iyo 0 uga badiyey xulka Qaranka Sudan kulan ka tirsan tartanka CACAFA U18.

Xulka Soomaaliya ayaa ciyaarta qeybteedii hore gool iyo waxba ku hogaamiyay. Waxaa hogaanka ciyaarta u dhiibay ciyaaryahan Idiris Maxamed Bilaal.

Kolkii la iskugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta waxaa awooda ciyaarta iyo hogaankeedaba sii watay xulka Qaranka Soomaaliya, iyadoo la yimid labo gool hor leh,waxaana shabaqa soo taabtay ciyaaryahanada kala ah Mahad Shiine iyo Maxamed Gaabow.

Soomaaliya ayaa sidaas sadex dhibcood kaga qaadatay xulka Sudan, waxa ayna kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta group A ,halka hogamiyayasha group ay yihiin xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka.

Soomaaliya waxa u haray hal kulan oo ay waji doonaan maalinka jimcaha xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka hadii ay ka badiyaana waxa ay sidaas ugu gudbi doonaan Semi Final-ka koobka CECAFA ee da’da 18 sano ka yar.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka Qarankeena  oo sadex gool iyo  waxba ( 3-0) kaga adkaaday xulka Qaranka Sudan.

Related Items


Leave a comment