Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo la Kulmay Guddiga Gaarka ah Ee howlgalka Nabadaynta QM (C34)

Thursday November 30, 2023 - 12:13:32
0 Comments
104
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS mudane Cali Cumar Balcad ayaa la kulmay Guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan Dowlada Fadaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.

Mas’uuliyiinta DFS ee kulanka ka qayb galay ayaa warbixin ka siisay wafdiga, horumarka laga gaaray la dagaalanka Argagixisada iyo doorka taageero ee muhiimka ah ee ciidamada ATMIS iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka geesteen dagaalka xoreynta dalka.

Madaxda ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshayaasha ku aadan horumarinta laamaha Amniga iyo la wareegidda amniga guud ee dalka.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment