Madaxweynaha Jubbaland Iyo Wafdi Uu Hogaaminaayo Oo Gaaray Degmada Afmadow(SAWIRRO-DHAGAYSO)

Thursday November 30, 2023 - 13:04:08
0 Comments
135
ahmed raajaa
AFMADOW
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta gaaray Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen daadadka iyo fatahaadaha ka jira Jubaland.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu ugu kuur galo saamaynta dhibaatada ka jirta deegaanka gaar ahaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay saamaysay daadadka iyo fatahaadaha ka jira guud ahaan deegaanada Jubaland.

Madaweynha jubbaland ayaa kulamo la qaadan doona Maamulka degmada Afmadow iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo ka xogwareysan doona saameynta ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay degmadaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdiga la socda ayaa kormeer ku tagaya xeryaha ay kunool yihiin dadka ka Barakacay daadadka iyo fatahaadaha, kuwaasi oo haatan wajahaya xaalad adag, iyagoona u baahan in la gaarsiiyo Gargaar.




Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment