Madaxweynaha JFS Oo Ka Qayb-galaya Shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka

Thursday November 30, 2023 - 18:14:47
0 Comments
78
ahmed raajaa
DUBAI
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmaya dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, 

Iyadoo muhiimadu ay tahay in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba ay kasoo gaareen kumannaan Soomaaliyeed .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Inaaraatka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka deg-dega ah ee ay u baahan yihiin dadka ku dhibaateysan deegaannada ay qaadeen daadadka Roobkaasi.

DHAMMAAD

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment