Israel Oo Dib U Bilowday Duqaynta Dhinaca Cirka ah Ee Degaanka Gaza

Friday December 01, 2023 - 11:55:50
0 Comments
82
ahmed raajaa
GAZA
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay dib u billaabeen weerarada xagga cirka ee Qaza kaddib markii la tilmaamay in ay dhamaatay xabbad joojin socotay dhowr maalmood oo ay soo qaban qaabiyeen Qadar..

Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Qaza,iyadoo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza.

Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Qaza oo ay Israa’iil ka hortagtay.

Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Qatar, Masar iyo Mareykanka, ayaa riixay in mar kale la kordhiyo xabbad-joojinta, taasoo dhacday 7 subaxnimo ee maanta.

Ugu yaraan 15,000  oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada ayaa la shegaa inay marayso ilaa 1,200.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment