Hey'adda Maareynta Musiiboyinka Oo Gar-gaar Gaarsiisay Qoysas Ku Sugan Lafoole

Friday December 01, 2023 - 14:50:49
0 Comments
79
ahmed raajaa
MUQDISHO
Maamulka Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas ku sugan Lafoole oo ay soo barakiciyeen daadadka ka jira dalka.

Deeqdan oo ka kooban 50 tan oo raashin ah,waxaa loo qeybiyay 4,350 qoys oo ka soo barakacay deegaanada Sabiib, caanoole, mubaarak iyo  Aw dheegle oo ka tirsan ee Gobolka Shabeelladda Hoose.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye C/Laahi Cismaan Hiraabe oo ka hadlay bixinta deeqdaasi ayaa ka mahadceliyay gurmadka loo fidiyay dadka ay barakiciyeen daadadka roobanka sida ay qortay SONNA.

Agaasimaha waaxda Gargaarka Hey’adda SODMA Sahra Cali yuusuf oo sidoo kale ka hadashay gargaarkaasi la siiyay qoysaska ayaa sheegay in deeqdaan ay tahay mid hordhac ah balse ay ku dadaali doonaan in ay wax u qabtaay qoysaska ay saameeyeen roobabka.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment