Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Daah-furay Shirka Wadashaqeynta  Dowladda Hoose Ee Xamar

Saturday December 02, 2023 - 17:36:36
0 Comments
123
ahmed raajaa
Muqdisho
Guddoomiyaha Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa manta daahfuray shirka hanaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar, Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Furitaanka shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed.

Iyada oo madasha uu shirkan ka dhacayay lagu soo bandhigay warbixina la xariira muhiimada uu hanaankan u lee yahay dardargalinta iyo hufnaanta howlaha lagu horumarinayo bilicda Caasimadda iyo adeegyada aas aasiga ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo bulshada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dardaarmay in mas’uuliyad gaar ah la iska saaro ilaalinta, qorista iyo ku hadalka afkeena hooyo, isaga oo sidoo kale sheegay in cidkaste lagula xisaabtami doono shaqada loo igmaday.

Related Items


Leave a comment