Madaxweynaha PL Iyo Qaar Kamid Ah Xisbiyada Siyaasada Puntland Oo Shir Jaraa'id Qabtay (VIDEO)

Sunday December 03, 2023 - 13:58:17
0 Comments
87
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi ayaa looga hadlay dardargelinta  dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada.

Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Madaxweyne Deni oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in Kulanka looga hadlay dardargelinta dhameystirka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada Puntland.

Shirka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , Ifiye, Runcad Mustaqbal, Kaah iyo Shaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan Puntland ka dhacayn doorasho aan qof iyo cod ahayn islamarkaana shacabku isu diyaariyaan in ay codkooda ku doortan Madaxdooda.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment