Hay'adda Duulista Rayidka Oo Gaari Wareejisay Loogu Talagalay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne

Sunday December 03, 2023 - 14:16:33
0 Comments
111
ahmed raajaa
BALADWEYNE
Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa shalay ku wareejiyay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad-gobolleedka Hirshabeelle , Mudane Muuse Salaad Waheliye gaari loogu talagalay inuu u adeeggo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.

Wareejinta gaarigan ayaa qayb ka ah qorshaha fulinta barnaamijka amniga iyo bedqabka garoommada dal, iyadoo ay adeegsan doonaan kooxda bedqabka iyo la socodka amniga dhabaha diyaaradaha ee garoonka Ugaas Khaliif, sida uu sheegay maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad-gobolleedka Hirshabeelle , Mudane Muuse Salaad Waheliye oo ka mahadceliyay wareejinta gaarigan ayaa sheegay inuu muhiimad u leeyahay howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee xarunta gobolka Hiiraan.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment