Qarax Is Miidaamin Ah Oo  Lala Beegsaday Dhallinyaro Askar Loo Qoraayay

Sunday December 03, 2023 - 14:43:17
0 Comments
93
ahmed raajaa
MUQDISHO
Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyay dhallinyaro dooneysay inay qortaan oo ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, qaraxa ayaana ka dhacay afaafka hore ee xerada TurkiSom oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Xogaha laga helayo qaraxaasi dhacay oo ahaa mid xooggan oo jugtiisana laga maqlay degmooyinka Muqdisho ka tirsan ayaa sheegeysa inuu dhaliyay khasaaro dhaawacyo u badan oo gaaray qaar kamid ah dadkii sugnaa goobta ee xerada tababarka Turkida ee TURKISOM.

Wararka ayaa tilmaamaya in dhalinyaradii ku  dhaawacantay qaraxa, loola qaaday Isbitaal turkiga ay maamulaan, iyadoo la sheegay Qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhallinyarada oo saf ku jirtay si ay u qortaan Askarnimo, balse uu is-qarxiyey.

Wixii soo kordha wararka danbe insha,allah.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment