Guddiga Madaxa Banaan Ee Hirgelinta Dastuurka iyo  Guddiga La Socodka Dastuurka BJFS Oo Kulan Yeeshay

Sunday December 03, 2023 - 16:53:26
0 Comments
90
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegsita iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka iyo hirgelinta Dastuurka ee BJFS ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.

Kulankaan oo ay goob joog ahaayeen Guddoonka labada guddi ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa soo bandhigida warbixinta soo jeedinta wax-kabeddelka cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ay soo diyaariyeen xubnaha guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Burhaan Aadan Cumar oo ugu horreyn ka hadlay munaasbada ayaa u soo bandhigay xubnaha Guddiga La-socodka Dastuurka BJFS soojeedinta warbixinta cutubyadda 1-aad ilaa 4-aad ee dastuurka.

Xubnaha GMDHD ayaa Guddiga lasocodka Dasuurka ee BJFS ka dhageeystay talooyinka, tilmaansiinta iyo fikradaha ku aaddan cutubyada koowaad illaa afaraad ee dastuurka KMG ah si guddiga uu ugu soo lifaaqo, loogu gudbiyo labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment