Ganacsade maanta Lagu Dilay Magaalada Bosaaso (dhagayso)

Monday December 04, 2023 - 12:40:19
0 Comments
162
ahmed raajaa
BOSAASO
Dilkan ayaa saakay loo gaystay ganacsade ka soo jeeda degaanada maamulka koonfur galbeed soomaaliya sida la xaqiijiyay.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya in halkaasi saaka lagu dilay ganacsade ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana lagu dilay bartamaha Boosaaso sida wararku sheegayaan.

Ila wareedyo kala duwan ayaa warfidiyeenka u sheegay in marxuumka la dilay uu kamid ahaa hoggaanka bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilkan Naxdinta leh ayaa imaanaya todobaad kadib markii Boosaaso lagu dilay Alle ha u naxariistee Khadar Cabdi Cali oo kamid ahaa dhalinyarada ka soo jeeda dowlad degaanka Soomaalida Ethopia ee ku noolaa gobolka Bari.

Majiraan cid loo soo qabtay dilalka is daba jooga ah ee ka dhacay magaalada  Boosaaso ilaa iyo hadda kama hadlin laamaha Amniga sida Police-ka magaalada Bosaaso.

Meeraysane.com 


Related Items


Leave a comment