Israa'iil Oo Bilowday Howlgalka Dhulka ah Ee Koonfurta Qasa

Monday December 04, 2023 - 14:44:53
0 Comments
58
ahmed raajaa
GAZA
Madaxa militariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgalkooda dhulka uu ka bilowday koonfurta Qasa, kadib markii ay meesha ka baxday xabad joojin socotay muddo todobaad ah.

General Herzi Halevi ayaa u sheegay ciidamada ku sugan koonfurta Israa’iil in howlgalku aanu noqon doonin mid ka awood yar marka la barbar dhigo kan ka socda dhulka go’doonsan ee waqooyiga.

Duqeymaha Israa’iil ay ku hayso Khan Yuunis iyo Rafax ee koonfurta ayaa sida muuqata la mid ah kuwii xerada qaxootiga ee Jabaliya ee waqooyiga oo aad u xooganaa.

Ciidamada Isr’aaiil ayaa sheegay in halkaa ay kula dagaallamayaan kooxda Xamaas, iyadoo laga cabsi qabo dadka rayidka ah inay khatar weyn ay ka soo gaari karto duqeymaha iyo dagaallada halkaa ka socda.

Meeraysane.com 



Related Items


Leave a comment