Puntland oo Mucaaridka ku Eedaysay In Aysan Diyaar U Ahayn Wada hadal,

Monday December 04, 2023 - 19:06:15
0 Comments
94
ahmed raajaa
GAROOWE
Dowladda Puntland Oo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ku eedaysay in aysan diyaar u ahayn wada-hadal, si loo xalliyo muranka arrimaha doorashada.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo madax u ah guddi madaxweyne Deni u magacaabay wada-xaajoodka Arrimaha doorashada ayaa eeddaasi u jeediyay Mucaaridka.

Waan u tagnay, waan la hadalnay, waan xiriirnay, halkaas ayay kusoo ururtay inay ka gaabsadaan inay nala xaajoodaan,” ayuu yiri wasii Juxa oo rajo xumo ka muujiyay inay mucaaradku oggolaadaan in la wada hadlo.

"Annagu xalka waxan u arkaynay dee in la wada-hadlo, haddaan la wada-hadalna xal ma imaan karo. Haddana waxaan weli ku baaqaynaa in la wada-hadlo oo miiska la isugu timaado” ayuu sii raaciyay wasiir Juxaa.

Dhanka dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland weli kama jawaabin eedaynta uga timid dhinaca dowladda ee ku saabsan in aysan diyaar u ahayn wax wada-hadal ah.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment