Isimada Dhaqanka SSC Oo Kulamo Madaxtooyada Puntland Kula Leh Madaxda Puntland

Tuesday December 05, 2023 - 12:37:10
0 Comments
74
ahmed raajaa
GAROOWE
Qaar kamid ah Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe kula shirsan Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka Isimada SSC iyo Madaxda puntland ayaa looga hadlayaa xal u raadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Arrimaha doorashada Puntland ee 2024.

Iyadoo isimada SSC-khaatumo ay ku hawllan  dhex dhexaadinta dowladda iyo  siyaasiyiinta Mucaariadka ah ee ku muransan nooca loo galayo doorashada Madaxtinimada Puntland.

Isimada SSC ayaa siidan oo kale hore Kulamo ula yesheen dallada ay ku midaysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay kala hadleen xal u helidda Khilaafka taagan.

Isimada SSC-Khaatumo ayaa la filayaa in Kulamadan markii ay idladaan inay soo saaraan go’aanno lagu xallinayo xiisadda ka taagan doorashada Puntland.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment