Galmudug Oo Heshiisiisay Beelo Ku Dagaalamay Galgaduud

Tuesday December 05, 2023 - 20:00:00
0 Comments
77
ahmed raajaa
DHUUSAMAREEB
Wasaarada arrimaha gudaha, federalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo ku soo gabagabeysay deegaanka Balihowd oo hoos taga degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud shir dib-u-heshiineed oo socday maalmihii la soo dhaafay.

Shirkaan dib u heshiineed oo ay garwadeen ka ahayd wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Heshiiskaan ayaa u dhaxeeyey Dadka walaalaha ee Halkaas wada daga, wuxuuna ahaa shir nabadeed oo daba socda shirar dib-u-heshiineed oo horay loogu qabtay Bulshada Deegaanadaasi ku dhaqan.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment