Madaxweynaha Jubbaland Oo Ku Baaqay In Gar-gaar La Gaarsiiyo Dadka Ay Sameyeen Fatahaadaha

Wednesday December 06, 2023 - 10:38:42
0 Comments
103
ahmed raajaa
KISMAAYO
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay fatahaadda wabiga Jubba iyo khasaaraha ka dhashay xilli uu khudbad ka jeedinayay Kalfadhiga Shanaad ee Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay dowlad goboleedka uu saameynta ugu badan ku yeeshay fatahaadaha.

Madaxweynaha oo ka warbixiyay khasaaraha baaxadda leh ay fatahaaduhu u geysteen dalagyada beeraha iyo Barakaca ka dhashay ayaa yiri:

"Waxaan baaq guud u jeedinayaa cid kasta oo awood u leh in ay gargaar u fidiso dadka ay dhibaatadu saamaysay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaadda ay saameyn ku yeelatay 1,157,000 oo qof, ayna sababeen barakaca 400,000 oo qof, halka ay ku dhinteen 63 qof, kuna go’doomeen tiro intaas ka badan.

Soomaaliya ayaa wajaheysa fataahaddo ay sameyeen wabiga Shabeelle & Jubba kuwaas oo ku dhuftay gobollo dalka ka mid ah, iyada oo ay jiraan baaqyo in gargaar loo fidiyo dadka ay dhibaaatadu soo gaartay.

Related Items


Leave a comment