Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Oo Doha Kula Kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ah Ee Canada

Monday December 11, 2023 - 15:03:15
0 Comments
221
ahmed raajaa
DOHA QATAR
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan ku wada yeeshay wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Canada Axmed Xuseen.

Labada wasiir ayaa kawada hadlay kor u qaadidda xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labada dal, taageerada Dibadda ee Canada u qoondaysay dalalka Afrika iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaad iyo isbeddelka Cimillada.

Abshir Cumar Jaamac Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa uga mahadceliyay martigelinta Canada ee jaaliyadda Soomaaliyeed oo qayb weyn ka qaatay isku xirka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar iyagoo ka wada hadlay Arimo badan oo ku saabsan xaalada lagu jiro.

Related Items


Leave a comment