Guddiga Amniga Doorashada Puntland Oo Soo Saaray Go,aano Adag

Monday December 18, 2023 - 22:39:14
0 Comments
86
ahmed raajaa
GAROOWE
Guddiga Amniga doorashada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah soo saaray go’aanno lagu xoojinayo Amniga guud.

Iyagoo gudiga soo saaray amaro lagu mamnuucay in gebi ahaanba wax hub ah lagu dhex qaato magaalooyinka Puntland inta lagu jiro wakhtiga doorashada.

Sidoo kale Musharrixiinta u tartamaya doorashada Puntland ayey guddigu ka mamnuuceen in ay wax gaadiid tiknikada ah ku dhex maraan caasimadda  ee Garoowe.

HADABA QODOBADII GUDIGU WAXAY AHAYEEN SIDAN:-

1-waxaa la farayaa gudiigu amni ee dhamaan gobollada iyo degmooyinka inay sugan Nabad galyada kana hortagaan amni darada.

2- waxaa la farayaa sarakiisha amniga xaduudaha garoomada diyaaradaha iyo baraha kantarolada kala duwan inay hubiyaan cidkasta oo soo galaysa Puntland dhaq -dhaqaadooda iyo agabyada ay soo geliyaan puntland.

3-waxaa lagu wargelinayaa dhamaan ciidamada puntland in la mamnuucay Askeri aan shaqo ku jiri inuu  labiska ciidamada iyo hubka ku dhexwato magaalooyinka puntland.

Related Items


Leave a comment