Dowladda UK oo soo dhaweysay warmurtiyeed ay soo saareen DF Soomaaliya iyo Somaliland

Saturday December 30, 2023 - 13:44:35
0 Comments
90
ahmed raajaa
EGLAND
Dowlada UK ayaa soo dhawaysay warmurtiyeedka ay sida wada jirka ah u zoo sareen  dowlada federalka soomaaliya iyo Somaliland oo Ku saabsanaa shirkii jabuuti we dardargelinta wada hadalada labada dhinac.

Qoraal kooban ay soo saartay safaaradda Uk ee Soomaaliya ayaa lagu yiri:

"Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedkii ay ku heshiiyeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray, waana tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta."

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo saaray Xalay warmurtiyeed oo ka koobnaa 8 qodob, kuwaas oo taabanaya dhinacyo kala duwan, ujeedkeeduna ahaa in la dardargeliyo wadahadallada.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment