Dhacdooyinkii u wayeeynaa ee ka dhacay Somaaliya Sanadkii tagay 2023

Sunday December 31, 2023 - 21:32:39
0 Comments
187
ahmed raajaa
MUQDISHO
sanadkii tagay 2023 soomaaliyawaxay u  ahayd sanad wanaagsan, iyadoo dagaaladag la gashay ururka Alshabaab oo haystay qaybo kamid ah dalka, qaraxyana ka gaysan jiray magaalada muqdisho madaxweymaha dalka xasan shiikh ayaa booqday jiida hore ee dagaalka.

Waxaa kale oo sanadkii tagay lagu xasuusan doonaa roobab mahiigaan ah oo wata dabaylo iyo daadad oo ka da,ay guud ahaan dalka loogu magac daray ilniino, iyadoo qaramada midoobay ay sheegtay in uu  yahay mid kamid ah isbedelka cimikada aduunka.

iyadoo sanadkii tagay somaaliya ay gaartay guulo badan waxaa kamid ah guulahaas:-

1- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, 

2-Qaadista cuneqabateynta Hubka ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxaana dhacay shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkii 2023 Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay iyagoo si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidamada dalkeeda.

3-Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

4-Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. "Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.

dhacdooyinkii dhacay sanadkii tagay 2023 intaas ayaan ku joojinayaa waxaan idin leeyahay sanad wanaagsan meelkasta oo aad joogtaan.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment