Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo damaca dalka Ethiopia ayaa lagu qabtay Muqdisho

Wednesday January 03, 2024 - 14:25:15
0 Comments
128
ahmed raajaa
MUQDISHO
Dibadbax balaaran oo uu soo aggaasimay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo ay kasoo qeyb galeen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS,

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka iyo kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda, Dibadbaxaasi oo lagu diidanaa damaca Dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi.

Dibadbaxayaasha ayaa socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyagoona isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga, Xildhibaan ka tirsan BFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso

Related Items


Leave a comment