Madaxweynaha Talada Puntland Haya Oo Ku Guulaystay doorashadii ka dhacday magaalada garoowe Markale ( FAALLO)

Tuesday January 09, 2024 - 22:55:10
0 Comments
149
ahmed raajaa
GAROOWE
Tartankii madaxtinimada puntland waxaa ku guulaystay siciid C/laahi deni oo markale noqday madaxweynaha puntland.

Kadib markii uu helay sida la wada xaqiijiyay wareegii sedexaad 45-cod halka musharixii uu ka guulaystay oo ahaa Dr. guuleed saalax uu helay 21 -cod guushana sidaasi waxaa guushu ay ku raacday madaxweyne siciid deni.

Madaxweyne Siciid c/laahi deni ayaa kadib markii uu guulaystay doorashada hadal gaaban jeediyay, isagoo sheegay in alle laga baqo oo beg cusub umada loo furo una hambalyeeyay u madda somaaliyeed.

waxaana sidaasi ku soo dhamaaday wal wal iyo walbahaar hayay dad badan oo soomaaliyeed, kuwaa oo u dhegta utaagayay marxalada ay ku danbeeyn doonto dowlada puntland.

Dad badan oo ku xeel dheer siyaasada somaaliya ayaa ka digaya marar hore cawaaqib xumo ka dhalata is qab qasi ku saabsan doorashada puntland, lakiin waa lagu guulaystay guud ahaan doorashadii dhacaday 8/1/2024, iyadoo dhexda loo xitay isin iyo shacabba sidii loo ilaalin lahaa putland mid ah, waana lagu guulaystay.

kadib doorashadii waxaa dhacday in madaxda dowlad goboleedyada, iyo kuwa dowlada federalka u soo hamalyeyeen madaxweynaha guuleeystay iyo barlamaanka iyo dhamaan shacabka reer puntland.

Axmed khadar Rajaa
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment