Dibad bax balaaran oo turjumaya damaca foosha xun ee ethiopia ayaa maanta ka dhacay muqdisho

Thursday January 11, 2024 - 13:39:35
0 Comments
76
ahmed raajaa
MUQDISHO
Boqolaal kun oo Shacab Soomaaliyeed ah ayaa maanta Dibadbax ballaaran ka dhigay  qeybo badan oo Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho ah, iyaga oo dareenkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliyeed.

Dibadbaxayaasha oo cod dheer ku sheegayay dareenkooda ayaa socod ku maray qeybo badan oo ka tirsan caasimadda Muqdisho.

Dadkii maanta banaan baxaasi ka hadlay waxaa kamid ahaa taliyaha policeka gobolka Banaadir oo sheegay in somaaliya isku dareen tahay meelkasta oo ay joogaan.

Dadweynaha faraha badan ee isku soo baxay ayaa sitay boorar ay ku qofan yihiin: Baddeenna Beec ma aha, Taako Baddeenna, Kama Tanaasulayno, Taako Dhulkeenna, Kama Gor-gortameyno iyo
Taako dhulkeenna, Dhiibimeyno!l.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo maamulka G/banaadir iyo xubno kale uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa shacabka kala qaybgalay Dibadbaxa, isaga oo ku bogaadiyay sida Waddaniyadda leh ay u difaacayaan dhul badeedka Soomaaliyeed, una diidan yihiin damaca guracan ee Itoobiya.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment