Wasiirka Arrimaha Gudaha, XFS oo kulan wada tashi ah laqaatay odoyaasha ugaasyada iyo waxgaradka gobolka Awdal ee somaaliland.

Tuesday January 16, 2024 - 13:29:38
0 Comments
69
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ka qayb galay kulan odeyaasha beelaha Samaroon iyo Ciise kusoo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya kusiiyay badda Zeylac.

Qaar ka tirsan odeyaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan sharci ku joogin uu ictiraaf ku raadinayo dhiiga umadda, qaddiyadda Awdal in ay u baahantahay difaac, ayna diyaar u yihiin dagaal iyo iska dhiciyaan cadowga, tallaabadanina loogu gol leeyahay in dhulka lagu wareejiyo.

Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiya Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare ayaa sheegtay ahmiyadda ay leeyihiin kulamadan oo kale, iyada oo ammaantay kaalinta odeyaasha dhaqananka ee ku aadan ka hortagga damaca Itoobiya ee ku aaddan dhul boobka ah.

Senator Bilaal Idiris C/laahi oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aanu war dhinneyn, oo la doonayo ficil iyo kahortagga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulkan dhaxalka u ah umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay mowqifka Dowladda Federaalka ee soo jireenka ah ee ilaalinta bedqabka midnimada dhuleed iyo dad ee Soomaaliya.

wasiirka ayaa intaa raaciyay in kulankan uu qeyb ka yahay dhaqanka Wasaaradda ee ah in odeyaasha dhaqanka ee gobollada dalka lagala tashto, talo laga weydiiyo arrimaha kusoo kordha deegaankooda, si dhinac walba ay qeyb uga noqdaan go’aannada, waxaa uuna bogaadiyay sida shacbaka Awdal ay diyaar ugu yihiin difaaca qarannimada Soomaaliya.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku dheeraaday damaca Itooboya iyo sida ay weligeed ugu hangal taagaysay Zaylac ilaa Isticmaarkii, isaga oo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay weligood difaaci jireen dhulkooda, welina ay diyaar u yihiin.

MEERAYSANE.COM

Related Items


Leave a comment