Kooxda kubada cagta GALMUDUG oo ku guulaysatay koobka maamul goboleedyada iyo G/banaadir

Monday January 29, 2024 - 22:36:37
0 Comments
78
ahmed raajaa
MUQDISHO
Xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guulaystay tartanka ciyaaraha ee maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ay ka qaadeen dhiggooda Hirshabeelle, ciyaar la’isla gaaray gool kullaad.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso leh ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu talagay waxa ay ku soo idlaatay barbar dhac 0 iyo 0 ah, taas oo keentay in la aado gool kullaad, waxayna sidaas guusha ku raacday xulka dowlad gobaleedka Galmudug.

Tartanka oo sanadkaan ka duwan sannadihii hore ayaa sanadkaan waxaa uu ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Muqdishi Stadium, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabto tartanka maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.

Related Items


Leave a comment