Wasiir arimaha gudaha XFS oo ka qayb galay qado sharaf loo sameeyay xulka  Galmudug

Thursday February 01, 2024 - 19:13:38
0 Comments
54
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay qado sharaf uu Maamulka Dagmada Dayniile u sameeyay Cayaaryahannada Dowlad Goboleedka Galmudug oo dhawaan ku guulaystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir.

Wasiir Fiqi oo u mahadecliyay Maamulka Dagamada Dayniile ayaa kalmad kooban uu ka jeediyay Munaasabadda oo uu ku sheegay in uu guulaystay Isboortiga Soomaaliya, isagoo sheegay in uu ku suuragalay amniga ka jira dalka, gaar ahaan caasimadda,

Wasiirka ayaa arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiiri "Isboortiga Sanadkaan wuxuu kaga soocna kuwa kale dhanka Amniga oo suurtagaliyay jawi lagu qaban karo cayaaro, wuxuu kaga duwanaa sanadihii hore In Qurbajoog iyo muwaadiin aan dalka joogin ay qayb ka ahaayeen arrimahaan cayaaraha”

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay suurtagliyeen in dunidoo dhan laga daawado Tartanka Kubbadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale bodaadiyay Taageerayaasha Kooxaha uu sheegay in ay Xamaasad u yeeleen Tartanka.

Related Items


Leave a comment