Golaha shacabka oo ka dooday hindisa-Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Saturday February 03, 2024 - 21:52:19
0 Comments
71
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta shirguddoomiyey Kalfadhiga 4aad kulankiisa 14aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS

Kulanka maanta ee Golaha  ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga Ah si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyaga oo Su’aalo ka weydiiyay wasiirka Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle "Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga Kushaqada lah si ay Akhrinta 2aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Intaasi kadib Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa tacsi tiiraanyo lah udiray Dhamaan Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan ehelka ay kabaxday Allah unaxariistee Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed asigoona sheegay in laamaha Amniga looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacanta ugu soo dhigaan gacan ku dhiigalaha falkaas arxan-darada ah geestay.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa si adag ugu dooday dilka uu Ninkeeda ugeestay iyada oo noolna dab qabadsiiyay Marxuum Luul Cabdicasiis Maxamed oo u shaqayn jirtay 6 carruur oo agoon ah iyadoo xaamila ah.Xildhibaanada oo doodoodii siiwatay ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay inaan wali la soo qaban eedeysanaha, waxa ayna Hay’adaha amniga, Iyo garsoorka ay fareen in ay xil wayn iska saaraan gacantana lagu soo dhigo eedeysanahaas.

Ugudanbeynt Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka maanta ayaa faray guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howlgalaan dhacdadaan ayna u yeeraan laamaha amiga iyo garsoorka warbixin dag dag ahna ay ku sooceliyaan fadhiga Golaha.

Related Items


Leave a comment