Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad ku saabsan musuq-maasuq

Sunday February 04, 2024 - 13:47:39
0 Comments
63
ahmed raajaa
MUQDISHO
Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto sarakiil katirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la xariirta Musuq maasuq.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Saciid Cali Maxamed ayaa sheegay in dib loo dhigay su’aalo weydiinta eedeysane Cabdullaahi Cosoble oo xaalad cafimaad darteed u taagnaan waayay xilliga Su’aalo weydiinta kana mid ah edeysanayaasha.

Sidoo kale qareennada u doodayo Eedaysanyasha ay soo bandhigo qoraalo ay ku difaacayaan Muwakiliintooda oo ay shegeen in aysan galin dambiyada lagu soo Eedeeyay.

Qareen Cabduqaadir Maxamed oo ah qareenka Eedeysane Cumar ayaa ka hadlay eedaha dambi ee loo heysto muwakilkiisa.

Avv Maxamed Xasan oo qareen u ah eedeysane Cabdullaahi Cosoble ayaa ka hadlay difaaca eedaha loo soo jeediyay.

Related Items


Leave a comment