Dowlada puntland oo aga gaarka garoomada ka mamnuucday diyaaradaha Drones-ka

Sunday February 04, 2024 - 14:25:10
0 Comments
62
ahmed raajaa
GAROOWE
Garoomada diyaaradaha degaannada Puntland ayaa laga mamnuucay diyaadadaha aan duuliyaha lahayn (Drones-ka) ee loo isticmaalo duubista muqaalada.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda duulista Hawada Puntland ayaa lagu mamnuucay in guud ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka yimaadaan Aga gaarka garoomada Puntland.

Wasaaradda duulista Hawada iyo garoomada Puntland ayaa tilmaantay in go’aankan uu ku salaysan yahay ilaalinta iyo hubinta ammaanka duullimaadyada rayidka ah ee Puntland.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment