Guddoomiyaha G/Banaadir oo tilmaamay in Nidaamka Wado marista uu qeyb weyn ka qaadanayo amniga Bulshada

Monday February 05, 2024 - 14:39:45
0 Comments
50
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa kormeeray qaar ka mid ah Wadooyinka Caasimadda Muqdisho oo loo diyaarinaayo nidaamka wadomarista wadooyinka.

Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Jeneraal Bishaar Axmed Geedi ayaa mas’uuliyiinta ugu warbixiyay qorshaha hirgelinta xeerka Nidaamka Wadomarista Magaalada Muqdisho oo meel wanaagsan maraya, asigoona sheegay in ay jiri doonto dhaqan gelinta xeerka iyo isla xisaabtan ku aadan ku xad-gudubta Nidaamka Wadomarista.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qorshaha Nidaamka Wadomarista uu qeyb weyn ka qaadanaayo Badqabka Bulshada, yarenta saxmada wadooyinka iyo bilicda Caasimadda, asigoona ka digay in lagu xad-gudbo goobaha ka dhaxeeya Bulshada.

Related Items


Leave a comment