Madaxweynaha JFS oo xulka Galmudug guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada

Monday February 05, 2024 - 22:09:35
0 Comments
61
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa caawa munaasabadd kooban oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa uu xulka Gamudug ku guddoonsiiyay koobka dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay ku guuleysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey tartankii xiisaha lahaa dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay ciyaarahu soo bandhiggeen nabada iyo xasiloonida ka jira caasimada,

Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa sheegay in bulshadduna muujiyeen xiisaha ay u qabaan, iyada oo laga dheehan karay sida ay u soo buux dhaafiyeen garoonka ciyaaraha ee Stadium Mogadishu.

Madaxweynaha ayaa waxaana uu sheegay inay jiraan dalal iyo hay’addo ka xun horumarka Soomaaliya ay samaysay.

.Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment