Hanti dhowraha guud ee qaranka oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Hantidhowrada Carabta (ARABOSAI),

Tuesday February 06, 2024 - 20:37:16
0 Comments
52
ahmed raajaa
MUQDISHO
Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Maxkamadda Xisaabaadka Tunisia ahna ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Hantidhowrada Carabta (ARABOSAI), Mudane Hatem Al-Selini.

Intii uu socday kulanka waxaa looga hadlay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Hantidhowrada Carabta iyo sida looga miro dhalin karo hadafyada guud.

Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay uga go’antahay horumarinta iyo xoojinta xiriirka uu XHGS la leeyahay Ururka Hantidhowrada Carabta (ARABOSAI) iyo xubnaha ururkaba.

Mudane Hatem Al-Selini ayaa sheegay in uu rajeynayo in kulankan uu noqdo mid bilow u ah wadashaqeyn miro dhal ah oo dhexmarta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Ururka Hantidhowrada Carabta si ay gacan uga geystaan kor u qaadista tayada iyo waxqabadka Xafiiska, taageeridda dadaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment