Faah-faahin dheeriya oo laga helay Qaraxyo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Tuesday February 06, 2024 - 20:55:57
0 Comments
49
ahmed raajaa
MUQDISHO
Diryanka jug culus ayaa maanta laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayeen,wararkaas qaar kamid ah ayaa tilmaamay in Hoobiyeyaal lagu garaacay suuqa Bakaaraha.

Halka qaar kale ay sheegayaan in waxa dhacay ay ahaayeen Qaraxyo lagu beegsaday Laba xarumood oo kamid ah kuwa uga waawayn ee iibiya qalabka electronic-ga.

Hadaba wararka la isla dhexmaraayay waxaa warbaahinta u faah faahiyay Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka mid ahaa masuuliyiin booqday Bakaaraha isagpona beeniyey in waxa ka dhacay suuqa aysan ahayn hoobiyaal lagu soo tuuray balse ay ahayeen qaraxyo goobta lagu diyaariyay.

"Halkan waxaa ka dhacay waxay ahaayeen beegsi ganacsiga, shan ilaa lix goobood ayaa khasaaruhu gaareen oo u badnan kuwa electarooniga, dabcan waxay u muuqataa amase an ognahay inay yihiin kooxdaha argagxisada ee ganacstada handadaya si ay baad uga qadaan, waxay maalmihii danbe u soo dirayeen fariimo, balse dadkani waxay ahaayeen kuwii iska diiday inay baad bixiyaan. Walina baaritaan ayaa socda” ayuu yiri Maxamed Yabooh.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment