Hay'adda Al-najaat Al-kheyriya ee dalka Kuwait oo guryo u dhistay dadka abaaru soo barakiciyeen

Wednesday February 07, 2024 - 14:33:14
0 Comments
57
ahmed raajaa
BAYDHABO
Hay’adda Al-najaat Al-kheyriya ee dalka Kuwait ayaa magaalada Baydhabo ka billowday in ay guryo u dhisto dadka barakacayaasha ah ee ay saameeyeen abaaraha.

Gurigii ugu horreeyay ee ay Baydhabo ka hirgelisay hay’adda Al-Najaat oo ka kooban laba qol, suuli , haanta biyaha iyo jiko ayaa lagu wareejiyay qoys ka kooban 9 carruur oo agoon ah hooyadood iyo ayeeydood, iyagoo ka mahad celiyay garab istaagga ay u fidisay hay’addan.

Saraakiil ka tirsan xafiiska mashaariicda hay’adda Xikma oo ay howshan u wakiilatay hay’adda Al-najaat ee dalka Kuwait ayaa sheegay in gurigani uu hordhac u yahay mashruuca xalka waara, iyagoo guryo kale dhowaan ka dhisi doono Baydhabo, kuwaas oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka dan yarta ah ee kasoo barakacay abaaraha.

Related Items


Leave a comment