Hay'adda Tubsan oo Muqdisho ka furtay kulan Istaraatiijiyadda Qaran ee hortagga fekerka xagjirka ah

Wednesday February 07, 2024 - 14:43:35
0 Comments
52
ahmed raajaa
MUQDISHO
Kulan howleed lagu soo bandhigay wada tashiga dib u eegista Istaraatiijiyadda qaran oo looga hortagaayo fekerka la dagaalanka argagixisada oo ay soo qanqaabisay ha,adda tubsan.

Shirkan Wadatashiga ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha hay’adda Tubsan, Safiirrada beesha Caalamka, qaar ka mid ah hay’adaha QM, ATMIS iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha Hay’adda Tubsan, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu war bixiyay mas’uuliyiinta ka qeyb gashay soo bandhigidda wadatashiga Istaraatijiyadda Qaran ee ka hortagga Fekerka xagjirka ee rabshadaha wata.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay danjirayaasha Caalamka u jooga dalka iyo qaar ka mid ah ururrada caalamiga ah, iyagoo taageeray habsami u socodka la dagaallanka Argagixisada, dedaalka lagu bixinayo nabadda iyo horumarinta lagu samaynayo deegaannadii laga xoreeyey khawaarijta.


Meeraysane.com



Related Items


Leave a comment